DHUFEYSKA MUSLINKA
Mahadda ilaahaybaa leh, isaga ayaan mahadinaynaa, kaalmo iyo danbi-
dhaafna waydiisanaynaa, waxaana uga magan galaynaa ilaahay shararka
nafaftayada, iyo xumaanta camaladana, qofkii ilaahay hanuuniyana wax lumin
karana majiro, qofkii uu lumiyana wax hanuunin kara majiro.
waxaan qirayaana inuu san-jirin ilaah xaq lagu caabudo ilaahay mooyee, kaligiina wax lalama wadaago, waxaan kaloon qirayaa in nabi muxammad yahay adoonkii ilaahay
iyo ergaygiisii, naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee isaga, ehelkiisa,
asxaabtiisa iyo kuwii ku raacay wanaag ilaa maalinta qiyaamada.
Intaa kadib: Kani waa kitaab gaaban, oon ka-soo gaabiyey kitaabkaygii ku magac
baxay{addikru wadducaa wal-cilaaju birruqaa minal kitaabi wassunnati}
waxaana kasoo gaabiyey kitaabkan qeybtii ducooyinka, si uu u noqdo khafiif
la qaadan karo safarada. Waxaan ku ekaadayna ducooyinka kaligood,
axaadiistoodana waxaan ku kaaftoomay inaan u saleeyo hal iyo labakitaab qofkii
doonaya aqoon korarsi xaga xadiiska iyo saxaabiga wariyeyna, ha u noqdo
kitaabkayga aan kor ku xusay.