Soodoog-garanuug

Soodoog-garanuug pdf

Qofkii dumar ah ee soo muuqataba waxay la raacaysay indhaha, waayo ma garan karto sida saaxiibteed Xaawo u ekaatay soddon iyo kow sano oo ay kala maqnaayeen. Waxaa maskaxdeeda dhex mushaaxayay mawjado xusuus ah oo macaan iyo kharaarba leh, oo yaraanteedii iyo xaafaddii ay ku kortay dib ugu celinayay. Sawaxanka dadka, guuxa
gawaarida, iyo dabaylo ka dhacayay garoonka diyaaradaha ayaa hadba kala goynayay xusuustaas fog ee Faadumo dhex muquuranaysay.


Labo saacadood ka hor ayay diyaaraddii Faadumo la socotay soo degtay. Inkastoo boorsooyinkeedii dhaqso u soo baxeen, farxadda ay ka heshay inay waddankeedii ku soo noqotay ayay ku illawday inay alaab sidatay, oo markay soo degtayba, toos
ayay u abbaartay miisaskii ay fadhiyeen saraakiisha socdaalku si ay waddanka degdeg ugu gasho.

Dadkiidibedda u soo baxay ee boorsooyinka jiidanayay ayay ku xusuusatay kuweedii, markaas ayay damacday inay dib u noqoto. Laakiin dhib ayay kala kulantay in loo oggolaado inay u gudubto meesha boorsooyinku yaalleen, oo ciidanka ammaanka ayaa
hor joogsaday. Ciidanku amarka ay fulinayeen ayaa ahaa in qof fasax gaar ah sita maahee aan qof kale loo oggolaan inuu soo galo gudaha.


Dibedda ayay mar kale u soo baxday. In yar markay fadhiday, ayay aragtay wiil dhallinyaro ah oo xiran dharkii ay xirnaayeen shaqaalaha garoonka.

waxa aad buugan oo pdf ah kala degi kartaa qaybta hoose.

Download Now