Salaad baa i dhaaftay

Salaad baa i dhaaftay waa buug koobsanaaya muhiimada ay leedahay salaadu iyo in aanay dhayal kugu dhaafin.

Sanado badan ayaan la socday xalaadda odaygan duq,a ah ee ay
da’ diisu sigayso siddeetamaadka. Waxyar ka hor eedaanb salaadaha,
marka aan fiiriyo jidka waxa ii muuqan jiray isaga oo ku tulcubaya
ushiisa, haya dhabbaha taga masjidka, isla markaana ay ka muuqdaan
foolkiisa dhoollacddayn iyo deganaani.
Maskaxdayda waxa ku soo dhici jiray kumanaan weydiimood oo
ay ku dheehan yihiin yaxyax iyo xishood. laakiin, si degdeg ah waxa
hirdan adag ula gelijray kooxo kale oo marmarsiyayaal xceldhccr ah.
Weydiimihii iga dhex guuxayay iyo yaxyaxii i hayayba hore ayay ka

SALAAD BAA I DHAAFIAYl pdf

holleelijireen. Marar kale ayaan sheedaalin jiray jidka, waxa aan isha
ku dhufan jiray isla odaygii oo u socda gurigiisa, jaarkana sii wada
bariidinaya. Aniga oo yaabban ayaan fiirinjiray saacad<;layda. Waxa
aan xusuustaa marmarsiye ka mid ah kuwii ugu cuslaa ee ku soo
laalaaban jiray maskaxdayda waxyar ka hor wakhtiyada salaadaha in
uu ahaa: “wa11d mashquulsan tahay ee tuko markaad b.esh.o fursad!,,
W axa aan is weydiiyay:

daqiiqadahan kooban ee la tukanayo, gacanta ma ku haysaa hawlo muhiim ah, kuwaas oo haddii aad hakiso shaqadaada wax yeelayal! Waxa aan dhawrijiray duufaanno
iskugu jira marmarsiyayaal iyo warcelinno lagu qanci karo o igaga filnaada weydiintan, laakiin, ma helijirin.

Duufaannad soo buuqanjireen waxyar ka hor salaadaha, kadibna \VUR aan , ayi jiray meel ay mareen, waxa aanay igaga sH tegijir en munusnnnn dheer iyo guux,gudeed. Dhab abaantli, salaad baa Wakhti badan ayaan ku toosay shanqadha usha addoonkan wanaagsan ee ay buuxisay foolkiisa farxaddu isaga oo sii haya jidka taga masjidka;

si uu u eedaamo salaadda subax! Waxa aan ka warqabay tnasjidku in uu leeyahay tukiye iyo eedaame dhexdeggan, kuwaas oo hawshooda u qabsada si maalinle ah, laakiin, salaadda subax addoonkan wanaagsan ayaa eedaama oo faraha looga qaaday.
Sanado door ah ayay maqalkayga ku soo dhacaysay shanqadha
usha odaygan duqa ah, kaas oo aanay ka hakin salaadah qabaw iyo
roobtoona. Wakhti badan ayaa tegay, xala.ado door ahna waa ay is
dabamareen; walina ushii waa ay i toosinaysaa! Ammin kasta oo ay
ushani iga kiciso hurdada, waxa aan kala hortagaa mawjado
marmarsiyayaal maangal ah, hordadaydana waa aan· iska sii wataa
aniga oo u hoggaansamaya naftayda.

Naftaydu waxa ay igu qancisay odaygani waa uu dhafraa ilaa laga
gaadhayo salaadda subax, kadibna hore ayuu ka seexdaa, sidoo kale,
waxa uu haystaa shaqo oo u gaar ah, taas oo aan cidna kula
xisaabtamin; sidaa darteed, waxa u fududaatay sanado badan in uu
dhawro salaadaha. Aniga miyaa;

waxbarashada guud, jaamacadda iyo
shaqadu waxa ay ahaayeen xujooyinkii ugu xoogganaa ee aan kaga
meeraysan jiray salaadaha, xilli kasta oo ay naftaydu i hiiftana, waxa
aan ugu laabqaboojin jiray “maalin uun ayaan samayn doonaa ,,
Waxa gaadhay maalinkii aan odaygan wax ka weydiin lahaa
shaqadiisa iyo noloshiisa maalinlaha ah.

W axa ii soo baxay in aan u soo jeedin habeenkii, iyo sidoo kale in uu seexdo wakhti dambe; waayo, waa uu shaqeeyaa habeenkii. Yada oo ay xaaladdu idaa tahay,
saacado koobanna uu seexdo, haddana subax kasta waxa uu soo kacaa, kadibna eedaamaa.

Waxa aad ka heli kartaa Buugan oo pdf ah Qaybta Hoose