GUURKU: waa shay aad u qaali ah shareecada Islaamkuna ay aad u baraarujisay, aayadaha Quraanka, axaadiiska, aathaarka iyo hadalada culimadu intuba waxa ay sheegayaan fadliga guurka.
Allaaah subxaanahu, waxa uu kitaabkiisa ku xusay in la guursado waxaana uu yidhi isaga oo la hadlaya ragga sidatan: (Guursada wixii idiin wanaagsanaada oo dumar ah laba laba, saddex sadex iyo waliba afar afar ba.) aayad kale Rabbi Waxa uu ku xusay sidatan: (Uguuriya kuwa aan xaasaska lahayn).
Aaxaadiithta rasuulka ee baabkani way badan yihiin laakiin mid ama labo hadaynu ka milicsano waa sidatan (Rasuulku wuxu yidhi: kulanka dhalin yartaay midkii karaa in uu guursado ha guursado, waayo wuxuu u dhowrid badan yahay araga, una xafid badan yahay xubinka taranka).Markaa guurka oo la guursan waayaa waxaa ay ka dhigan tahay sunnihii nabiga oo laga tagay, culimada haddii qaarkood oo magac lihi ay guursan waayeen sida Sh. Al-
islaam, Imaamu annawawi, Ibnu jariir iyo kuwa kale lagaga dayan maayo waayo waa sunnihii nabiga iyo anbiyadii hore.
Haddaba kitaabkan yar waa mid ka hadlaya arrimo gaar ah waxa uu ka hadlayaa mucaamalooyinka gaarka ah ama qarsoon ee dhex maraya lamaanaha laga bilaabo
habeenka aqal galkooda iyo wixii ka danbeeya.
waxa aad buugan oo pdf ah kala degi kartaa qaybta hoose.