Najax

Buuga Najax PDF

lix sanno ayaa u raaca labaatanka, qurux ayaa u raacda
maskaxda, laydh diirran ayaa u raacda qorraxda.
Magaceedu waa Najax. Madaxa maro cawl ah ayaa si
khafiif ah ugu dul goglan, hoos marka ay u soo dhaadhacdo ayay
dhex gashaa midabka guduudka ah ee diraca garbaheeda hoos uga
daaddega. Jooggeeda ayaa salka ku haya cagaheeda oo ku dhex jira
kabo dhererkeeda wax ku daray. Marada ay ku dhex jirto ayaa ka
noqota gummudka dushiisa, hoos waxa uga soo rogmada gacmo
korkooda jugta laga dhowray. Faraha hore ee gacanteeda bidix ayaa
laabta ka garaacaya telefoon ay indhaheeda aan wada furnayni hoos u
dhowrayaan.

Sahra iyo Hoodo oo jidka ku soo jira ayay ku sugaysaa
guriga hortiisa. Shinni iyada iyo ubaxa kala garan weydey ayaa
korkeeda ku dheelaysa. Ballanbaallis aan u fahmay in ay iyada
daawanayso ayaa laan aan durugsanayn soo fadhida. Baabuurkii ay
sugaysay ayaa meel aan fogeyn ka soo baxay. Farxad ay xuub caaro ku
qarinaysay ayaa meel dhow ka soo boodday. Dhego aan soo gaadhin
meel ay wax ka maqlaan ayay dhawaaq ka hor geysay.
Naayaadeheen, oo shantiinna daqiiqo ma sidanaa? Naa bal
naagahan eega. Baabuurkii agteeda ayuu istaagay, qosolkii dhinaceeda ayuu ka
socdaa, BK-na hawshiisa ayuu haystaa. Meel saddex tallaabbo u jirtay
ayay sagaal ku gaadhay.

Kursiga intii aanay si fiican u fadhiisan ayay la
soo boodday ”naa walaal bal heesta iga naaqusa yaanu aabbo i
maqline”. Sahra oo aan hadalka meel fog ka doonin ayaa u celisay
”oo aabbahaa muxuu tobanka subaxnimo guriga ka qabanayaa?”.


Najax oo aan is dhibin ayaa ku dhirbaaxday ”naa aabbahay ma sida
aabbahaa ayuu meelahaa wareegaa, dee reerkiisuu la joogaa”. Hoodo
Lix oo meel kale ku maqan ayaa ku darsatay ”naa walaal wallaahi heestani
way igu socotaaye!”. Qosol ayay midba in qadhiidhatay.

Dhankii jaamacadda ayay u jeedsadeen si ay ardayda kale farxadda ula
qaybsadaan inta aan dhanka hudheelka loo kicin kahor. Saddex
saacadood ayaa uga hadhay wakhtigii qalin-jabintooda. Shan sanno oo
qosol iyo baroorba lahaa ayaa maanta ku eeg. In ka badan oo farxad
iyo murugoba leh ayaa maanta ka bilaabmaya.
Waa gashaantimo, haddii aanay guur diyaar u ahayn, maanta waa u
diyaar. Marmarsiiyo kasta oo ay la iman jireen, kan maanta ayaa ugu
dambeeyey. Balse ha la guursado ma xumee, ayaa guursanaya?
Hoodo ayaa bilowday. ”Naa heedhaha, naa walaal raggii xaggay ka
dhaceen?”.

Sahra: oo naa ragga maxaad ku falaysaa?
Najax: naa adigu iska aamus, horto maxaad innamada ku neceb
tahay?
Sahra: akhas caleeg, oo maxaa rag lagu falaa!
Hoodo: naa tani waa nin.
Najax: waa nin dabeecad xun weliba. Naa maxaad haaye walaal ragga
ku nacday, maxay kugu sameeyeen?
Sahra: idinku maxaad guurka kaga degdegaysaan? Anigu haddaan
guursadana laba carruur ah ayuun baan dhalayaa.
Hoodo: toban ayaan kuugu duceeyey.
Najax: haa, Ilaahay idamkii.

Waxa aad ka heli kartaa Buugan oo pdf ah Qaybta Hoose