ISLEEG ISA SEEGAN

isleeg isa seegan waa Buuggan ay ku kaydsan yihiin lix sheeko oo kala madax bannaan.

isleeg isa seegan

Hordhaca Buuga

isleeg isa seegan waa buug waxa badan ka baran kartid oo aad u cajiib ah waxana uu ka hadlayaa sheeko faneeda soomalida ee hal -abuurka leh.

1.SHEEKO: CALI-WADAAD

Horta aan iskiin baro, anna aad i barataan. Magacaygu waa Cali,
Cali hooyaa ii bixisay, aaabana wuu ku raacay. Maanta waa duq
labaduba, anna daanka timaan ku leh yahay. Timo aad u
dhaadheer. Sunihii rasuulkaan (nnkha) ku adkaystay waayadan.
Dadku magaca aan qabo, mid kalay ku kaabaan.

Cali-wadaad ayaa la iigu yeedhaa. Salaadda waan ka adagahay, axaadiista waan
aqaannaa, khamiiskana ma saaro. Dadku way i yaqaannaan,
xaafadda aan ku noolahay. Marka aanan tujinayn ama aanan
jamaca hor taagnayn, carruurta ayaan quraan baraa. Galabtii,
iskuul Quraanka lagu dhigo ayaan macallin ka ahay. Hablahaan
baraa Quraan. Aniga ayaa masuul ka ah. Saddex sanno ayaan hor
joogay, aan u ahaa macallin.
Da’du soddonkay wax dhaaftay, doobnimana weli ma sii
dayn. Asxaabtay dhammaantood, carruuray la dheelaan. Anna
gabadhii dhali lahayd, toosh baan ku raadshaa. Weli waanan soo
qaban. Ma aqaan hablaha iyo hadalkooda toona. In kastoon
macallin ahay, hablo badanna Quraanka baro, haddana aayadaha
quraanka ah ma dhaafsiisna sheekadu.

Dhammaantood habluhuna waa wada gashaantimo. Balse damacu sidiisaba
anigaba igu ma jiro. Arday weeye qaali ah, sidaasaan ku dhowraa.
Salaasa weeye maanta, casar ayaa wakhtigu yahay. Maalin
weeye caadi ah. Caadi maaha laakiin. Wax weyn baa is beddeli
raba. Noloshayda rogi kara. Sanqadh weeye kabo dumar, dhulka
xoog u duraya, dhawaaq dheerna bixinaya.

Inkastooy mamnuuc tahay in ay habluhu kabo noocaas ah xidhaan, haddana inantaasi
maanta way soo xidhatay. Waan xasuustaa si waadax ah,
sabbixisma ayaan gabadh ka dhegaysanayay. Mar keliya waxa
dhegahayga soo gaadhay shanqadh odhanaysa “dhag, dhag, dhag,
dhag”. Way soo dhowaanaysay marba marka ka dambeysa.

Waxa aad ka heli kartaa Buugan oo pdf ah Qaybta Hoose