Haddaan guudka laga jirin
Gudihiisa xaabkiyo
Cayayaanka laga gurin
Marwo dumar garka u xidhan
Illayn guri dugsoon ma leh
Kuma galo adduunyada
Ninna goonni-socodkoo
Marwo garasho dheer baa
Ninka raga u gudinoo
Iyadaa guddoonkiyo
Gadh-hayaa naftaadiyo
Gaadiidka reerkiyo
Gurgurshaaga noqotoo
Arrin kula gorfaysee
Haddaan gaari kula jirin
Illayn noloshu guul ma leh
Hablaha Geeska Afrika
M.I.Warsame (Hadraawi).
Faaqidaad iyo Faallayn Ku Saabsan Buugga
Marka hore Ilaahay baa mahad leh aan cidi ka maydheynin ama aan laga masuugeynin.
Marka labaad waxa mahad leh ruuxii maskaxdiisa maaxda ku jirta u miira ummaddiisa.
Haddii aynu milicsanno macnaha iyo murtida buuggani xambaarsan yahay, ma aha wax
la malaysan karayo oo muddo gaaban lagu soo minguurin karayo. Waxa aan shaki
lahayn, in qoraaga buuggani u huray ama hibeeyey ururintiisa iyo ebyiddiisa wakhti
badan. Waxa kale oo aan iyana muran lahayn, in uu qoraagu geliyey buuggan maal iyo
maskax badan, islamarkaana waxa laga milicsan karaa buugga bulsheynimada qoraha.
Curiyaha buuggan waxa ka muuqata aqoon ballaadhan oo uu u leeyahay afka
soomaaliyeed dhan kastaba. Waxa kale oo taa u raacday oo buugga ka muuqata aqoon sare oo qoraagu u leeyahay dhaqanka iyo dhulka ay soomaalidu degto.
Dhan kasta oo aad ka eegtaba waa buug dhammaystiran oo aad ka dhuuxi karto murti iyo maad iyana dhammaystiran oo miisaan leh.
Waa buug dhab ahaan u muujinaya oo soo bandhigaya hibada ay haweenka soomaaliyeed u leeyihiin halabuurka iyo haasaawaha ay noloshu ku hirato.
Hubaal waxa ah, Ilaahay baa la hubaaye; in uu buuggani harraad tiri doono qof wal oo u harraaddan ka haqabbeelka halabuurka haweenka soomaaliyeed.
Waxa kale oo buuggan ku gadhoodhay gododka suugaanta soomaaliyeed oo dhan – tix iyo tiraabba! Waxa iyana marag-ma-doon ah, inuu buuggani yahay mid loo cuskan karo xigashada iyo xigmadda soomaaliyeed ee xoolaha iyo xawawarintooda ku saabsan.
Habka xulashada ereyada iyo xaradhaamintooda ayaa iyana si xigmadaysan la isugu
ebyey oo buuggan xiiso gaar ah u yeelay.
Gabagabadii iyo gunaanadkii, ha ka abaalmariyo Guulluhu geesigaa garashadiisa
gabdhaheenna (haweenkeenna) u hibeeyey. Aamiin!
Cabdillaahi Maxamed Cumar
Aqoonyahan ku xeel dheer dhaqanka iyo afka soomaaliyeed
Bolton, UK.
Gabadh timo tidcan oo xidhan hu’gii hiddaha iyo dhaqanka, xadhigna soohaysa.
Gabadh yar oo la joogta iyo tusmooyin ka mid ah qalabyada aqalka hiddaha iyo
dhaqanka soomaalida, sida harrar (caws) Googoos ah, Dhiil sudhayo ah iyo fadhi casri
ah.