Faker oo hodan noqo Maantaba.
Faker oo hodan noqo waa buug ku dhaxal siin doona Maanta in aad noqoto qof noloshiisa ku filan oo Horumar dhaqaale gaadha.
EREYADA QORAAGA
Faker oo hodan noqo Buugan waxa kaga bogan doontaa Fikrado aad u cajiib ah oo wax badan ka faaiidi doontid waxana kala degi kartaa qaybta hoose.
Cutub kasta oo buuggaan kn n1id ah, waxaa lagu sheegay
sirta lacag samaynta, taas oo ay adeegsadeen in ka badan
shan boqol oo qof oo ah kuwa adduunka ugu hantida
badan, kuwaas oo aan baaritaan iyo cilmi-baaris aan ku
samaynayay tnuddo aad u dheer.
Sirta lacagta lagu sameeyo waxaa labaatan iyo shan sanoka
hor maskaxdayda u bidhaamiyey(dhinac ka tusay) Andrew
Carnegie.
Ninkaas caqliga badnaa ee reer Scotland ahaa ayaa sirtaas
hadalkiisa ii dhex galiyey aniga oo wiil yar ah, kadibna
kursigiisii ayaa uu inta gadaal isugu tiiriyey i daawaday
asaga oo hubinaya in aan garawsan karo sirta hadalkiisa ku
dhex jirtay.
Markii uu i arkay in aan fahmay oo la baxay sirtii hadalkiisa
ku jirtay ayaa uu i waydiiyey in aan doonayo in aan
labaatanka sano ee soo socda ee noloshayda ah aan sirtaas
u go’odoomi doono si aan u gaarsiiyo kumanaan kun oo rag
iyo dumarba ah kuwaas oo sirtaas la’aanteed mari doona
nolol guuldarro iyo dhibaato badan.
Waa aan ka ogolaaday in aan hawshaas fuliyo sidii ayaa
aana ku ilaaliyey ballanti aan mudane Andrew Carnegie
aan ka qaaday.
Buuggaan sirtii ayaa ku jirta, waliba sirtii oo lagu tijaabiyey
kumanaan kun oo qof oo cayn kasta nolosha ka kala jooga.
Aragtida Carnegie ayaa ah in qaaciddadaan indho-
sarcaadka ah la gaarsiiyo cid kasta oo aan waqti u helin in
ay iskood u baaraan oo ogaadaan qaaciddadaan oo ka
barta.an sida lacagta loo sameeyo. Waxa uu sidoo kale
doonayay in aan qaaciddadaan tijaabo mariyo oo aan ku
tijaabiyo kumanaan qof si ay u wada xaqiiqsadaan
dhabnimadeeda.
Waxa uu rumaysnaa in qaaciddadaani
noqoto mid iskoolada iyo jaamacadahaba lagu dhigto iyo in
haddii si dhab ah loo barto ay kacdoon iyo isbeddel keeni
doonto sidoo kalena yaraan doonto waqtiga loo
baahanyahay in qofku xarunta waxbarashada joogo.
Waayoaragnimadiisa uu kala kulmay dhalinyareygii Charles M Schwab iyo dhalintii kale ee la midka ahayd, ayaa ku abuurtay aragti ah in wax badan oo iskoolada iyo jaamacadaha lagu barto aysan wax xariir ah la lahayn sida qoflcu dhaqaale iyo nolol u abuuran karayo. Aragtidiisaasi waxa ay ka soo maaxatay markii uu dhalinyaro badan oo aan waxbarasho buuran lahayn uu tabab-bar iyo barid qaaciddadaan ah uu u sameeyey, kadibna ay ku soo baxeen hoggaamiyeyaal aad u beer sarreeya.
Waxaa intaas dheer in cid kasta oo qaaciddadaan iyo talooyinkiisa qaadatay ay
noqdeen hantiilayaal wada hormarsan.
Cutubka RUMAYSASHADA ayaa aad ku arld doontaa shirkaddii biraha ee ugu waynayd Maraykanka ee uu hogaaminayay Charles Schwab oo adeegsatay qaaciddadaas Carnegie ay caddayn u noqotay sida qaaciddadaasi dhab iyo waxtar la bubo u tahay.
Ninkaan Charles Schwab ee dhalinyareyga kaliya waxa uu adeegsaday sirtaas, waxa ayna ka dhigtay mid aad u hodmay dhanka lacagta iyo nolosha kaleba. Haddii qiyaasid
lagu sameeyo, ku dhawaad lix boqol oo million oo doolar ayaa uu ku abuurtay.
Halkaan xaqiiqooyin ayaa ku qoran. Xaqiiqooyin ay barteen cidkasta oo Carnegie Ia saaxiib ahayd.
waxa aad si free ah uga heli kartaa qaybta Hoose.