Buuggani waa qoraal diiradda saaraya mawduuca “Fagaara ka Hadalka ” (Public Speaking), kaas oo sharaxaya sida dad looga hor hadlo si waxtar leh. Ujeeddadiisu waa in akhristayaasha, gaar ahaan dhalinyarada iyo ardayda Soomaaliyeed, lagu baro xirfaddan muhiimka ah oo kaalin weyn ku leh horumarka nolosha qofka iyo bulshada guud ahaan.
Markii aan dareemay baahida weyn ee loo qabo aqoonta ku saabsan fagaara ka hadalka, ayaan go’aansaday inaan qoraalkan curiyo. Waxaan u diyaariyey qaab fudud oo qof kasta si sahlan ugu heli karo. Buugga waxa loo habeeyey in lagu soo dejisan karo (online) oo loogu talagalay in lagu akhristo moobayl ama kumbuyuutar, si loo gaarsiiyo akhristayaal badan oo kala duwan.
FAGAARA KA HADALKA (Public Speaking)
Fagaara ka hadalku waa xirfad muhiim ah oo ku salaysan in si xirfad leh loogu gudbiyo fikrad, xaalad, ama aragti ku habboon waqti cayiman iyo goob cayiman. Waa xeelad dadka lagu soo jiito isla markaana loogu sheego warar muhiim ah.
Haddaba, dad aad u yar ayaa si dhab ah u yaqaana xirfadda fagaara ka hadalka marka loo eego dadka dunida ku nool. Daraasado lagu sameeyey arrintan ayaa tilmaamaya in ku dhowaad 75% dadka dunida aysan si fiican uga gudbin karin cabsi iyo walbahaar ku xeeran in dad laga hor hadlo. Inta soo hadhay waxay awoodaan inay la hadlaan dadweynaha, hase yeeshee heerka xirfad iyo waayo-aragnimo ee ay leeyihiin way kala duwan yihiin.
Dalkaaga iyo bulshadaada marka la eego, fagaara ka hadalku wuxuu ka mid yahay caqabadaha ugu waaweyn ee dad badan la kulmaan. Tirakoob rasmi ah oo arrintan laga sameeyey dalka gudaheeda lagama hayo, balse waxa muuqata in farqi weyn naga dhexeeyo dalalka horumaray ee xirfaddan si weyn u adeegsada iyo inaga.
Fagaara ka hadalku wuxuu udub dhexaad u yahay hawlo badan oo muhiim u ah nolosha iyo horumarka qofka. Waa xirfad qofka ka caawisa inuu kaalin muuqata ka qaato isbeddelada iyo xaaladaha soo food saara bulshada. Waxa muhiim ah in la fahmo qiimaha ay xirfaddani leedahay oo dadaal dheeraad ah lagu bixiyo sidii qof walba uga faa’iidaysan lahaa.
MUHIIMADDA AFKA IYO DAD LA HADALKA
Awoodda afka iyo dad la hadalku waxay door muhiim ah ka ciyaaraan sidii qof u noqon lahaa hoggaamiye karti leh. Dadka yaqaana xirfadda fagaara ka hadalka waxay inta badan leeyihiin awood sare oo ku saabsan qancinta dadka iyo dooda. Tani waxay si gaar ah uga caawisaa inay noloshooda si xirfadeysan u maareeyaan, iyadoo ay adeegsanayaan farsamooyin kala duwan oo ku saabsan fagaara ka hadalka.
BAQO IYO YIDIDIILO
Haddii aad tahay qof ka baqa in uu dadka la hadlo, ha niyad jabin. Waa muhiim inaad aaminsanaato in xirfaddan la barto oo horumar laga samayn karo. Waxaad noqon kartaa qofka ku dhiirrigeliya kuwa kale inay ka gudbaan caqabadaha maskaxda iyo qalbiga ku jira. Waa shaqo wadajir ah oo u baahan in la isku dhiirrigeliyo si loo helo bulsho dhinac walba ka dhisan.
Markaa, horta baro xirfadda fagaara ka hadalka, ka dibna u gudbi kuwa kale. Waxaa la doonayaa in bulshada laga saaro cabsi iyo qalbi jab, lagana dhigo kuwo is qanciya oo horumar leh. Tani waa waddo muhiim ah oo loo marayo horumar joogto ah.
GUNAANAD
Xirfadda fagaara ka hadalku waa mid qof walba u baahan yahay, waana aalad muhiim u ah qofka doonaya inuu bulshada dhexdeeda ka noqdo mid saamayn ku yeesha. Waa khibrad lagu dhisayo kalsooni, laga soo bandhigo aragtiyo waxtar leh, laguna kasbado taageerada iyo qancinta dadka kale.
Inkasta oo dad badani ay ka baqaan inay dad hortooda hadlaan, haddana cabsidaasi waa mid laga gudbi karo iyadoo la tababarto oo la helayo xirfado iyo xeelado cusub. Muhiimadda ugu weyn ee fagaara ka hadalku waa inay kaa caawiso inaad noqoto qof isku kalsoon, bulshada dhexdeedana uga muuqda mid hogaamin iyo talo soo jeedin leh.
Ugu dambayntii, waa in aan xasuusanno in xirfaddani aysan ahayn mid dadka qaar u gaar ah, balse qof walba uu baran karo hadduu dadaal u galo. Waa mas’uuliyad na wada saaran inaan kor u qaadno isgaarsiinta wanaagsan iyo fahamka dhexdeena ah, si aan u dhisno bulsho horumarsan oo isu adeegta. Ku dhiirigelidda iyo taageeridda dadka kale waa tallaabo muhiim ah oo aynu wada qaadi karno, si loo gaadho bulsho midaysan oo dhinac walba ka xooggan.
Buugan waxa uu ka caawin doona wax badan wana ka faaiidaysan kartaa, waxa hadda ka helaysaa qaybta hoose kala deg. mahadsanid.