Shucayb Cabdulaahi Cumar (Cadnaan)
HORDHAC BUUGA
Cilmi Nafsi waa buug aad u cajiib ah oo ka war bixinaaya cilmi nafsiga ,
Marka hore IIIahay sw ayey mahadi oo idil u
sugnaatay,oo igaransiiyey in aan bulshadayda wax kusoo
biiriyo.
Marka xigtana dhamaan, walaalihii, asxaabtii iyo ehelkii
igu garab siiyey soo saarida buugaan.
Buuga cilmi-nafsiga waxa uu ka hadlayaa, taariikhda
cilmi-nafsiga iyo Sidookale wuxuu ka hadlaayaa cilmi-
nafsiga xariirada, cilmi-nafsiga caafimaadka iyo kuwa
kale aanan soo koobi karin, akhriste ka faa’idaysi wacan.
Cilmi nafsi waa barashada maskaxda iyo dabeecada
dadka.
Cilmi-nafsi waa barashadda hab-dhaqanka iyo maskaxda
noolaha.
Sidookale khubarada cilmi-nafsiga waxay ku qeexeen waa
xaalad maskaxeed o o ku lug leh jahawareer
udhaxeeya,wax dhabta ah iyo waxaan dhabta ahayn.
Cilmi nafsiga: waa barashada dabeecada, maskax
ahaan,iyo qaabka qofka.
Cilmu-nafsiga ayaa ah mid ballaaran oo kala duwan oo ka
kooban barashada fikirka aaddanaha, Dabeecada,
hormarka, shakhsiyada, shucuurta iyo dhiirigelinta.
Cilmi nafsigu waa darraasada tacliinta iyo dabaqidda
howlaha maskaxda iyo dabeecadda.