Cawaysyada Saamalaylka

“Waxaan u hibeeyay diiwaankan habeen noolayaasha dhafarka badan, heer ay xiddigaha oo dhan tiriyeen”.
“Cali Ileeye”

Cawaysyada Saamalaylka pdf

Soomaalidu waxay caan ku tahay cabudhinta dareenka dabiiciga ah ee qofka. Inaad sarbeeb iyo sogordoh kusoo gudbiso shucuurkaaga mooyee, si saraaxa leh haddii aad u bandhigto, waxa laguugu jawaabayaa waayaha laabtaada ku hayso. Dabarkan dhaqan ee qalafsan, wuxuu sal ku leeyahay miyiga iyo nolosha raacatada ee diiftabadan.

Xoolaha maalin oo dhan waa la foofiyaa, toddobaad kastana waa la arooriyaa; jiilaal iyo abaar kasta waa la raraa, baad iyo biyo ayaana loo raadiyaa. Taasi waxay ka dhigtay qofka Soomaaliga ah ee raacatada ahi inuu noqdo dhagax, aan damqasho lahayn, oo ka qatan dareenka naxariista iyo raxmadda ee noolaha. Magaalagalkii kadib, Soomaalidii waxay noqdeen kuwo dusha ka xidhan dhar magaalo, balse hoosta ku wata dhuuxii raacatada.

Qofna kugu ma boorrinayo in aad cabato, balse xasuusnow inay dabiici tahay inay ilmadu dhabankaaga qoyso marka aad sagxadda taallo, iyo inay gawsahaagu qosol dartii muuqdaan marka aad figta ku taagan tahay. Taas haddii la waayo, shucuur kasta oo aad gudahaaga ku cabudhisaa, oogadaada ayuu ka soo muuqanayaa isaga oo cudur ah, sida ay culimada nafsigu sheegeen.

afar baahiyood oo uu aadamuhu leeyahay:

Kow: baahida aynu u qabno sheegista waxa ka guuxaya uurkeenna, sida rejada iyo quusta, guusha iyo jabka, iimaanka iyo shakiga, jacaylka iyo nacaybka, damqashada iyo doocaansiga, murugada iyo farxadda, cabsida iyo xasilloonida.
Laba: baahida aynu u qabno dhabta. Waa xaqiiqada nafaheenna iyo xaqiiqada caalamka inagu xeeran.
Saddex: baahida aynu u qabno quruxda. Ruuxdeennu waxay qabtaa harraad aan ku cokanaanin quruxda mooyaane wax kale.
Afar: baahida aynu u qabno muusiga. Ruuxdu waxa ay leedahay jamasho ay u qabto codadka iyo laxannada, oo aad u qotodheer.

waxa aad buugan oo pdf ah kala degi kartaa qaybta hoose.

Download Now