Caalamka Akhriska

Marka aad bilaabayso buug ha u bilaabin inaad Akhrido , ee u bilow inaad wax kala hadho.”

Buugga Caalamka Akhriska waa qoraal kooban oo diiradda saaraya akhriska iyo muhiimadda uu leeyahay. Waa hagaha akhristayaasha, isagoo siinaya faham qoto dheer oo ku saabsan hababka kala duwan ee wax loo akhriyo iyo faaidooyinka ka dhasha. Qoraagu wuxuu ugu baaqayaa bulshada Soomaaliyeed inay ku biiraan caalamka akhriska, si ay uga mid noqdaa bulsho yinka horumaray.

caalamadka akhriska

Fikradda Guud

Buugga oo ku qoran af-Soomaali wuxuu si gaar ah ugu talagalay bulshada Soomaaliyeed. Farriinta ugu weyn ee uu xambaarsan yahay waa muhiimadda akhriska, isagoo ku boorinaya akhristayaasha inay noqdaan dad wax akhiya si ay wax u noqda.

Buugga waxa uu ka kooban yahay afar qaybood oo waa wayn:

  1. Macnaha Akhriska
  2. Mudnaanta Akhriska
  3. Miraha Laga Helo Akhriska
  4. Marinka Loo Maro Akhriska

Qaybta 1aad: Macnaha Akhriska

Qoraagu wuxuu ku billaabay qeexitaanka ereyga akhriska. Waxa uu faahfaahin ka bixiyay halka uu ka yimid iyo muhiimadda uu leeyahay, isagoo si qoto dheer uga hadlay sida bulshada adduunka uga duwan tahay heerarka akhriska.

Qoraagu wuxuu leeyahay:

“Akhrintu waa hadal ama eray qoraal kicin ama fasiraadda qoraalka ku dhawaaqidda wax qoran.”

Sida la ogtahay, akhrisku waa hab garaad ku shaqo leh (cognitive process) oo maskaxda aadanuhu uga dhigto xuruufta erayo iyo weedho leh ujeedo dhamaystiran. Habkan ayaa loo tixgeliyaa mid ka mid ah hanaannada ugu cajiibsan ee maskaxda aadanaha ay maamusho.

Sida culuumta sayniska sheegto: Dareenada aadanaha waa lix, laakiin shanta ugu caansan waa maqalka, aragga, dhadhanka, taabashada, iyo urinta. Dhegta ayaa la tilmaamaa inay ka waayo aragsan tahay isha, sababtoo ah waxay soo gudbisaa xog aan isha lagu arkayn. Tusaale ahaan, taariikhda la qoro iyo kuwa dhageysiga lagu gudbiyo waxay ka siman yihiin inay xog muhiim ah faafiyaan. Qoraagu wuxuu ku tilmaamay akhriska: “Habka isha looga dhigo mid la cimri ah dhegta.”

Qaybta 2aad: Mudnaanta Akhriska

Qoraagu wuxuu si faahfaahsan uga hadlay muhiimadda akhriska iyo faa’iidooyinka laga dhaxlo. Akhriska wuxuu keenaa horumar maskaxeed, faham qoto dheer, iyo kobcinta garaadka.

Faa’iidooyinka Akhriska:

  • Waayo aragnimo kobocda
  • Go’aan qaadasho caqli iyo aqoon ku salaysan
  • Helidda xog cusub
  • Ogaal aad u ballaaran

Qoraagu wuxuu akhristayaasha ku booriyay in akhriska loo arko hubka ugu culus ee dunida maanta lagu tartamo. Waa albaabka ilbaxnimada iyo furaha lagu kasbado waayo-aragnimada.

Qaybta 3aad: Miraha Laga Helo Akhriska

Qoraagu wuxuu tilmaamay in akhriska laga dhaxlo:

  • Waayo-aragnimo ballaaran
  • Fahamka noloshii hore iyo midda hadda taagan
  • Kobcinta kartida iyo aragtida qofka

Qaybtan waxaa diiradda lagu saaray faa’iidooyinka dhabta ah ee akhriska, kuwaas oo ay ka mid yihiin kororka fahamka iyo aragtida dheer ee lagu gaari karo akhris joogto ah.

Qaybta 4aad: Marinka Loo Maro Akhriska

Qoraagu wuxuu soo bandhigayaa tabaha akhriska sahla, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

  • In qofku wax ku akhriyo luuqad uu fahmayo
  • In goob ku habboon loo doorto akhriska
  • In waqti joogto ah loo qoondeeyo wax akhriska

Buuggu wuxuu akhristayaasha si qoto dheer u barayaa hababka ay ku hagaajin karaan xirfadda akhriska iyo sida ay uga dhigi karaan qayb ka mid ah noloshooda maalinlaha ah.

Gunaanad

Caalamka Akhriska waa buug kooban oo waayo-aragnimo ballaaran ku dhex jirto. Waa tilmaame muhiim ah oo mudan in qof walba akhriyo. Buuggu wuxuu leeyahay awood uu ku baraarujiyo qofka akhriska ku yar, una tilmaamo muhiimadda uu leeyahay akhrisku si bulshadeennu ula jaanqaado caalamka akhriska iyo ilbaxnimada.

“Bulsho wax akhrisa, waa bulsho wax noqota.”

Magaca Buugga: Caalamka Akhriska

Luuqadda: Af-Soomaali
Magaca Qoraaga: Abdicasiis Guudcadde