Aanadii Negeeye

Waa Xamar oo sii dhimanaysa, dal dhan ayay se ugu nolol
dambaysay. Laakiin isagu ma aha nin waxaas u diiraya. Beri fog
ayuu nidar ku galay wax aan dantiisa ahayn in aanu xaalayn.

Aanadii Negeeye


Fillo xaafadda Booliqaran ka qotonta beerteeda ayuu kursi dhabar
jiifsi leh ku dhacadiidaa. Waa caways gudcur ah. Cirka madow ee
daruurta ka qaawan waxaa la moodaa xiddiguhu in ay intii hore ka
badan yihiin kana waaweyn yihiin. Lo’da iyo laxaha oo galbeed
miranaya ayaa si fiican loo arkaa, iyo Awrkacirka oo gelgelintii
fadhiya. Badweynta Xamar dhinac jiiftaa wax ay soo afuufaysaa
neecaw kulaylkii maanta jiray lagaga nefisay. Laakiin waa neecaw
isaga ku abuuraysa baqdin u eg tii uu dhallaannimadii dareemi jiray.


Markii uu yaraa wuxuu moodi jiray neecawdan oo kale in ay tahay
neefsasho libaax, baqdin ayuuna bawdyaha isla dhici jiray. Waxay
ahayd xilli fog iyo carruurnimo, carruurnimana waa ciil laga
weynaaday oo ceeb ku ma aad lahayn, ayuu isugu caqli celiyay.
Xabbad sigaar ah oo faraha ugu laabnayd inta uu si qoddo dheer u
nuugay, qiiq uu dalqada ku raajiyayna sambabbada muggood soo
afuufay, oo yar qufacay, ayuu sidii caadada u ahayd isaga oo aan
bakhtiin hortiisa ku maguujiyay, mid kalena shitay, dabadeed feker
dheer shaarubaha miiqay.

Beerta uu fadhiyo xalay ayuu ilayskii ka gubtay welina ma uu beddelin, ka maba uu fekerin. Iftiinka yar ee wejiga ka hayaa wuxuu ka soo baxayaa kadinka aqalka oo shan
tallaabo u jira.
Gurigan uu caawa fadhiyo dhacdooyin badan oo xusuus leh ayuu
uga soo joogay. Magac been u ma baxo ee waa sababta loogu
naanaysay Fillo Adduun. Laakiin waaba habeenkii ugu dambeeyay.
Iyada iyo Soomaaliya oo dhan berri ayuu ka tegayaa. Muxuu se ka la
tegayaa ama kaga tegayaa? Taas ma uu rabin in uu ka fekero ee
mustaqbalka ayaa kaga daran oo uu islahaa bal sii yar qooraanso.
Laakiin mustaqbalku waa jirjirroole boqol weji leh, waxii laga
saadaaliyaana waa uun nasiib.

Adiga oo aan faahfaahinta buugga dhamaystir waxa kala deji kartaa qaybta hoose .

Download now