Lahaanshaha Labo aabe waxay isiisay Dooqa ah isbarbardhigida labo aragti:
Mid nin qani ah iyo mid nin faqiir ah waxaan lahaa labo aabo, mid qani ah iyo mid faqiir ah, mid aad ayuu wax garad u ahaa oo u caqli badnaa, wuxuu hey stay shahaadada PhD, wuxuuna waxbarasho afar sano ah ku dhameystiray in ka yar labo sano, kadibna wuxuu galay jaamacada Stanford, Jaamacada Chicago, iyo Jaamacada Northwestern si uu u helo waxbarashadiisa sare, kuligoodba waxay ahaayeen deeqooyin waxbarasho oo dhameystiran, aabaha kale waligiis ma dhameysanin fasalkiisa sideedaad.
labada nin waxay ahaayen kuwo ku guuleystay xirfadooda, iyagoo si adag u shaqeeyay noloshooda, labadana soo xareeyay dakhli la taaban karo, sidaas oo ay tahay mid ayaa marwalba la halgamayay lacagta, midka kale wuxuu noqon doonaa mid ka mid ah nimanka ugu qanisan Hawaii, mid ayaa dhintay asagoo oga tagay tabanaan milyan qoyskiisa iyo sadaqo, midka kale wuxuu ka tagay biil la iska sii bixiyo.
labada nin way a wood badnaayeen, burji iyo saameyn badnaayeen, labadana waxay iisoo bandhigeen talo, balse maynan igula talinin wax isku mid ah, labada nin waxay si
xoogan u aaminsanaayeen waxbarashada balse maynan igula talinin koorsooyin waxbarasho oo isku mid ah.
hadii aan yeelan lahaa hal aabo oo kaliya, waxaa aqbali lahaa ama diidi lahaa taladiisa, lahaanshaha labo aabo waxay I siisay dooqa ah isbarbardhigida labo aragti: mid nin qani ah iyo mid nin faqiir ah.
intaan si fudud u aqbali lahaa ama u diidi lahaa mid ama midka kale, waxaan is arkay anigoo fikiraya isbarbardhigaya kadibna nafsadeyda dooqanaya, dhibaatada waxay aheyd in ninka qaniga uusan wali qani noqon, ninka faqiirka ahna uusan wali faqiirin, labada waxay markaas bilaabanayeen xirfadahooda, waxayna la halgamayeen lacagta iyo qoyska balse waxay lahaayeen aragtiyo kala duwan ee dhinca lacagta.
waxa aad buugan oo pdf ah kala degi kartaa qaybta hoose.